Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay Tooratoorow

Lahaanshaha sawirka na
Image caption Ciidammada Soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in saaka waabarigii ay ciidammada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen degmada Tooratoorow ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Sida uu ku soo warramayo weriyahayaga magaalada Muqdisho ma aanay jirin wax iska hor imaad ah oo dhexmaray labada dhinac.

Guud ahaan gobolka Shabeelaha Hoose, degmada Sablaale oo kaliya ayaa ku hartay gacanta Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay deegaano ka tirsan gobolkaasi kula dagaalameen ciidammada dowladda iyagoo qabsaday kaddibna isaga baxay deegaanada Awdheegle iyo Mubaarak ee isla gobolka Shabeelaha Hoose.