US: toban kun ayaa laga dilay Daacish

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xullafada uu Maraykanku hogaaminayo waxay qaadeen in kabadan4100 oo weeraro xagga cirka ah oo ay ku qaadeen Suuriya iyo Ciraaq.

In kabadan 10,000 oo ka mid ah dagaalyahanada Daacish ayaa la dilay tan iyo markii uu bilawday weerarka ka dhanka ah ee ay qaadayaan xulafada uu Maraykanku hogaaminayo sida uu sheegay Maraykanku.

Ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Antony Blinken ayaa France Inter radio u sheegay in xulafadu ay dagaalyahano badan laayeen sagaalkii bilood ee u dambaysay.

Wuxuu intaas ku daray in ay arrintaasi saamayn ku yeelandoonto Daacish balse waxa uu ka digay in ay wali awoodaan in ay hawlahooda sii wadaan.

Waxa uu hadalkaasi ka sheegay kadib markii ay xulafadu ku kulmeen magaalada Paris ee dalka Faransiiska iyaga oo ka arrinsanaya istaraatiijiyadooda dalka Ciraaq.

Wafdigii ka qaybgalay waxa ay taageereen qorsha Rai’sal wasaaraha Ciraaq Xaydar Al-Cabaadi uu ku doonayo in uu dib ugu qabsado magaalada Ramadi.

Qabsashada ay Daacish qabsatay magaaladaasi Rai’sal wasaaruhu waxa uu ku tilmaamay guuldaro ka soo gaadhay dhanka beesha caalamka.

Waxaa kale oo ay ku baaqeen in si dhakhso ah loo bilaabo dadaal lagu soo afjarayo colaadda Suuriya.