Australia oo lagu arkay Malaay halis ah

Lahaanshaha sawirka Getty

Saynisyahano iyo dad ka deegaanka oo jooga waqooyiga Australia ayaa iskudayaya in ay ka hortagaan oo uusan faafin noolo halis ah oo ay ku sheegeen malay soconaya.

Waxay sheegeen in malaygaasi uu maalmo ku noolaan karo dhul qalalan oo aan biyo lahayn.

Malaaygan oo garbaha uu ku dabaasho ku soconkara kuna boodi kara ayaa ah mid dilaa ah waxaana laga helaa koonfur-bari Aasiya.

Malaaygan waxa uu dhibaataynkaraa xataa shimbiraha badda iyo kuwo kale.

Malaayga waxaa lagu arkay labo jaziiradood oo ku yaala Australia.

Saynisyahanadu waxa ay ka digayaan in haddii uu ku fido dhulka in uu sababi karo halis deegaan oo balaaran.