Kuuriyada Konfureed oo la tacalaysa cudurka MERS

Lahaanshaha sawirka AP

In kabadan todobo boqol oo iskuul oo ku yaala dalka Koonfuriyada koonfureed ayaa la xiray, si looga hortago faafidda caabuqa neefmareenka ku dhaca ee MERS loo yaqano.

Saddex qof ayaa u dhintay, waana saamayntii ugu waynayd ee uu xanuunkaasi ka gaysto meel ka baxsan Sacuudi Carabiya oo ah meeshii markii u horaysay lagu arkay.

Wasiirka caafimaadka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in la xaqiijiyey ilaa 35 qof oo uu ku dhacay cudurkaasi. waxa uu intaasi ku daray in la karantiilay 1,667 qof.