Ghana oo u baroordiiqeysa dadkii dhintay

Image caption Dabka waxa uu gaaray guryaha ku agdhowaa xarunta shidaalka

Madaxweynaha dalka Ghana, John Mahama, ayaa ku dhawaaqay seddax maalin oo loo baroor diiqayo dadka ku dhintay qaraxa ka dhacay goob shidaalka lagu iibinayay ee magaalada Accra.

Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay inay sameynayaan tallaabooyiin looga hortagaayo in dhibaatadan oo kale ay markale dhacdo.

Mr Mahama, oo booqday goobta ay musiibada ka dhacday ayaa tilmaamay in dhimashada hadda ay gaartay qiyaastii 150 qof.

Asigoo warbaahinta kula hadlay goobta ay dadkan ku dhinteen ayaa waxa uu sheegay shacabka ay qasab ku tahay inay joojiyaan dhisidda meelaha ay biyaha maraan, tallaabana laga qaadi doono dadkaasi si looga fogaado musiibada.

Meydad ayaa shalay oo dhan lagha soo saaraayay goobta, kuwaas oo lagu daadgureeyay gawaari waaweyn.

Maamulka dalkaasi weli waxay iskudeyayaan inay dhibaatada rasmiga ah ay ogaadaan halka ay gaarsiisan tahay.

Inta badan dadka dhintay waxa ay goobtan shidaalka ah kaga asheeranayeen roob xoog leh oo da’aayay, kaas oo inta badan ee magaalada saameeyay.