Gariiga oo diiday in deenta ay hadda bixiyaan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Gariiga waxa uu doonayaa inuu ka baxo dalalka isticmaala lacagta Euroga

Ra’iisul wasaaraha Giriigga, Alexis Tsipras, ayaa sheegay in qorshaha dowladdiisa uu yahay in la dejiyo dhibaatada deenta, taas oo uu ku tilmaamay inay taabaneyso xaqiiqdea heshiiska ay la galayaan hay’adaha deenta ku leh.

Asigoo baarlamaanka kula hadlaayay magaalada Athens, Mr Tsipras waxa uu deyn bixiyayaasha ku eedeeyay in si ballaaran ay u siiwadaan cadaadiska heshiisyadii biulihii lasoo dhaafay la gaaray.

Waxa uu sidoo kale ku dhaliiyay inay ku guuldareysteen in masuuliyad ay iska saaraan soo afjaridda heshiiska guntigiijiska.

Waxa uu ku adkeystay in dowladdiisa aysan aqbalidoonin dalabaadka uu ku tilmaamay kuwa aan macquul ahayn.

Waxa uu sidoo kale ra’iisul wasaaraha Giriigga ku adkeysanaayaan in heshiiska loo baahan yahay in diiradda lagu saaro sidii ay uga bixi lahaayeen EAROZONE ka.

Waxa uu sheegay in siyaasadda deenbixiyaasha ay guuldareysatay.

Intuu ku guda jiray khudbada uu u jeedinayay Baarlamaanka dalka, ayaa Mr Tspiras waxa uu hoosta ka xariiqay in ballanqaadkii doorashada ay dowladdiisa fulineyso.