Kenya oo fallaagada MRC ku eedaysay ganacsiga foolka

Lahaanshaha sawirka REUTERS

Mas'uuliyiinta dalka Kenya ayaa sheegay in lacagaha laga helo ugaarsiga sharcidarrada ee duur joogta lagu maalgaliya kooxda gooni u goosad-doonka ee bariga dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya Joseph Nkaiserry ayaa sheegay in 14 qof loo xiray fool maroodi laga qaaday Kenya oo si qarsoodi ah loogu dhoofiyay dalka Thailand.

Kadib markii maamulka dalka Thailand ay qabteen shixnad fool maroodi ah oo u dhiganta malaayiin doolar, ayaa dawladda Kenya waxa ay sheegtay in ay hayso sirdoon falkaasi la xariirinaya kooxda gooni u goosad doonka ee MRC ee xeebta Kenya.

Wasaarada Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ay argatay xariir sii kordhaya oo ka dhaxeeya ugaarsiga sharcidarrada iyo iyo falal dambiyeedka ay ku jirta argagaxisada.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan walaac ka muujiyay koraraka ka ganacsiga foolka maroodiga ee Bariga Afrika, waxuuna ballan qaaday in uu tillaaba ka qaadi doono kuwa lagu hela dambiyadaasi xitaa hadii ay ka tirsanyihiin dawladdiisa.

Dawalda Kenya ayaa marar badan ku eedeeysay kooxda MRC in ay weerara ka gaystay xeebta Kenya, eedeymahaasi oo kooxdu ay si wayn u beenisay.

MRC waxa ay ku doodaysaa in la gacan bidixeeyo bulshooyinka ku nool gobalka xeebta, waxa ayna sidaasi darteed ku dalbanaysaa in gobalkaasi uu ka goosto Kenya inteeda kale.