Sacuudiga oo "fashiliyay" weerar lagu qaaday

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Sacuudiga ayaa xuduudiisa ka ilaaliya Xuutiyiinta

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in dagaal qaatay saacado ka dhacay xuduudda ay la wadaagaan Yaman.

Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee SPA, ayaa qortay in deegaano lagu magacaabo Jizan iyo Najran ay Xuutiyiinta iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Yaman ay weerareen.

Wakaaladda ayaa ku warrantay in dagaalka ay ku dhinteen tobannaan mucaaradka Xuutiyiinta ah.

Isbeheysi uu Sacuudiga hogaaminayo ayaa duqeeya fariismaha Xuutiyiinta tan iyo bishii June ee sanadkan, iyagoo isku deyaya inay awoodda ku celiyaan madaxweynaha xooga looga saaray meesha ee Abdu-Rabbu Mansour Hadi.

Wararka laga helayo magaalada Sanca, waxa ay sheegayaan in shalay gellinkii dambe ay ka deceen duqeymo aad u xoog badan oo xulafada Sacuudiga ay geysteen.