Qarammada Midoobay oo Eritrea eedaysay

Image caption Madaxwaynaha Eritrea Isaias Afwerki

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xukuumadda Eritrea ay waddo gaboodfallo qorshaysan oo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Guddi baaritaan oo ka tirsan Qaramada Mmidoobay ayaa Eritrea ku tilmaamay in ay tahay waddanka adduunka ugu caburinta badan isla markaana aad u xirxiran.

Waddankaasi wax doorasho ah kama aysan dhicin tan iyo markii uu xornimada ka qaatay Itoobiya sandkii 1993, waxaana tan iyo muddadaasina xukunka iska haysta madaxweyne Isaias Afwerki.

Qaramada Midoobey ayaa dalkaasi ku tilmaanta mid ay ka jirto kaligii talisnim ba'an oo dadka ku xadida tallaabooyin ballaaran oo dhanka amnigha ah, iyada oo la adeegsanayo jawaasiis ku dhex baahsan qaybaha kala geddisan ee bulshada dalkaasi.

Warbixintu waxa ay leedahay sharci ma aha midka lagu xukumo dalkaasi Eritrea ee waxaa lagu xukumaa cabsi.

Baaxadda tacaddiyada sida in dadka xabsiyada laga buuxiyo, ku shaqeysi xoog ah, jir-dil iyo waliba dadka oo la iska dilo ayaa ku khasbaya boqolaal kun oo qof in ay isaga cararaan dalkaasi oo ay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka.

Qaramada midoobeyna, waxa ay uga digaysaa waddamada reer Yurub in aysan dib u soo celinin dadkaasi ka qaxaya Eritrea.