G7 oo ku heshiiyay in Ruushka ay xayiraad sii saarnaato

Lahaanshaha sawirka AFP

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in hogaamiyeyaasha dalalka dhaqaalahoodu hormaray ee G7 ay isku raaceen in xayiraadda saaran Ruushka ay sii socoto ilaa inta si buuxda looga xushmaynayo xabbad joojinta bariga Ukraine.

Ayada oo ka hadalaysay gabagabada shir madaxeed laba maalmood socday, ayey sheegtay in waddamada G7 ay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan xayiraadda haddii loobaahdo.

Dhinaca xasaradda dhaqaalaha Giriiggana, Merkel waxay sheegtay in uusan jirin wakhti badan oo haray looga shaqeeyo heshiis laga gaaro lacago dheeraad ah oo lagu kabo.

Waxay sheegtay in Giriiggu u baahan yahay in uu ogolaado talaabooyin lagu toosinayo dhaqaalahiisa.