Aas loo samaynayo dadkii ku dhintay Sabah

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Calanka Malaysia

Wadanka Singapore iyo gobolka Sabah ee dalka Malaysia, ayaa ku jira maalin ay aasayaan dadkii ku dhintay dhul gariirkii buurta Mt Kinabalu.

Lix iyo toban ruux ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen kaddib markii uu dhulgariir ku dhuftay buurta oo ku taala Sabah jimcihii, cabirka dhulgariirka waxaa lagu qiyaasay 6.0

Dadka dhintay waxaa ka mid ah lix caruur ah oo reer Singapore ah, kuwaas oo ku jiray safar dalxiis oo uu iskuul qabanqaabiyay waxaana sidoo kale la geeriyooday macalinkoodii iyo qofkii deegaanka kala tusayay.

Wadanka Singapore calanka ayaa hoos loo dhigay, daqiiqad aamusnaan ah ayaana laga fuliyay goobaha ay ka dhacayaan ciyaaraha koonfur bari Aasiya.

Joseph Pairin Kitingan, oo ka mid ah masuuliyiinta Sabah ayaa dhulgariirka la xiriiriyay toban dalxiiseyaal ajaaniib ah kuwaas oo goor hore dharka iskaga xayuubiyay buurta Mt Kinabalu.

Wuxuu wariyayaasha u sheegay in buurtaasi ay tahay buur barakaysan isla markaasna aan la dhayalsan karin.

Masiibadii dhacdayna waxa uu ku tilmaamay in ay ahayd xaqiijinta ixtiraamdaradii ay muujiyeen.

Qaar ka mid ah ajaaniibtaasi ayaa la aqoonsaday saraakiisha socdaalkana waxaa lagu wargaliyay in ay feejignaadaan hadii ay dadkaasi iskudayaan in ay ka baxaan xadka Sabah.