Xaruntii Qaramada Midoobay ee Ebola oo la xirayo

Lahaanshaha sawirka Getty

Waaxda si dagdag ah uga jawaabida caabuqa ebola oo xaruntoodu ahayd caasimadda Ghana ee Accra ayaa la xirayaa iyada oo Guniea iyo Sierraleaone uu xanuunku ka sii yaranayo.

Koox yar ayaa ku hari doonta dalka ilaa dhamaadka bishan June ee sanadkan, kuwaas oo xiriirin doona hawlaha duullimaadyada.

Markii septembartii hore cudurka Ebola uu marayey halkii ugu darnayd Qaramada Midoobay waxay sameeyeen guddi deg deg ah oo gacan ka gaysta jawaabta laga bixinayey cudurka.

Guddiga waxa uu xaruntiisa ka samaystay wadamo ka baxsan kuwii uu ka dilaacay cudurka balse aan wadamadaasi aad uga fogeyn sababtoo ah wadamada uu cudurka ka dilaacay waxa lagu soo rogay xayiraado dhinaca dhaq-dhaqaaqa ah.

Kullan uu la yeeshay madaxweynaha Ghana oo ah kan uu dalkiisa marti-geliyey xarunta gudiga deg deg ah ayaa madaxa Qaramada Midoobay ee gudigaasi Peter Graaff waxa uu sheegay in Ghana ay noqotay wadada keli ah ee loo marayey wadamada Guinea, Liberia iyo Serra leone waxayna taasi suurtagelisay ayuu yiri in kumanaan kun oo qof oo ka jawaab bixinayey Ebola ay halkaasi xarun ka dhigtaan.

Madaxweynaha Ghana John Mahama waxa uu sheegay in xaruntaasi hawsheedii hoos loo dhigay in ay ka turjumayso in guul la gaaray.

Inta badan shaqaalihii iyo qalabkii xaruntaasi ayaa waxa loo wareejiyey dalka Serra leone iyo Guinea, halkaasi oo 24 kiis oo cusub oo Ebola ah laga soo sheegay todobaadkii hore