Fifa oo qaaday talaabo eedaha musuqa awgii

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Xoghayaha guud ee Fifa

Xoghayaha guud ee xiriirka kubadda cagta adduunka ee Fifa ayaa sheegay in dib loo dhigayo tartanka cida qabanaysa koobka kubadda cagta adduunka ee 2026, sababtuna ay tahay eedaymaha musuqmaasuqa ee hareeyay Fifa.

Waa hadalkii uu horeeyay ee Jerome Valcke uu ka sheego fagaare tan iyo markii dacwad oogayaasha maraykanku ay dacwado musuqmaasuq ku soo oogeen saraakiisha FIFA.

Xoghayaha guud ee Fifa ayaa hadalkaasi ka sheegay wadanka ruushka, waxa uu kulan kulaleeyahay madax Ruush ah oo ku sugan magaalada Samara oo ka mid ah goobaha lagu qabanayo koobka adduunka ee 2018.

Waxa uu sheegay in ku qabashada koobka adduunka ee Ruushka uu yahay mid sidiisii u sii socda.

Valke, waxaa kale oo uu sheegay in ay xadidantahay sida Fifa ay u xakamaynkarto saraakiisheeda isla markaasna masuuliyadda badankeedu ay saarantahay gudiyadda kubadda cagta ee gobolada.