Macallimiin shaqada looga joojiyay

Lahaanshaha sawirka others
Image caption Waa macallin cashar siinayo arday ku sugan deegaanka Bungoma ee Kenya

Guddiga Adeegga Macallimiinta ee Kenya ayaa waxa uu liiska madow galiyay in ka badan boqol macallin.

Macallimiintan ayuu guddigu sheegay in lagu sameeyay baaritaan ku aaddan eedo kala duwan oo ay ka mid yihiin xadgudubyo dhanka galmada ah, kuwaasi oo markii dambe lagu helay.

Guddigu waxa uu ka digay in haddii uu mid ka mid ah macallimiintaas liiska madow la galiyey uu iska dhegatiro lagu ganaaxi doono ilaa 50 oo doollar ama la xiri doono muddo aan ka badneyn 6 bilood, ama labadaba.

Macallimiinta ayaa haatan waxaa laga saaray diiwaanka macallimiinta rasmiga ah, sidoo kalana waxaan loo ogolaan doonin in ay dib ugu soo laabtaan howshooda oo ay wax ka dhigaan Kenya.

Sannadihii u dambeeyey ayaa tirada macallimiinta lagu eedeeyey dhaqan xummada, oo ay ku jiraan qaar la xiriira in arday loo galmooday waxay ahayd mid isa soo taraysay.

Dhowr ka mid ah ayaa maxkamad la geeyey, ayadoo qaar kalena hawsha laga joojiyey.

Bishii April, 2013 macallin wax ka dhiga dugsi sare oo ku yaalla galbeedka Kenya ayaa maxkamad la hor geeyey, ayadoo lagu eedeeyey inuu u galmooday ardayad 19 jir ah.

Damiin ayaa lagu sii daayey macallinka, wuxuuna ka mid yahay kuwa hadda uu liiska madow ku daray guddiga adeegga macallimiinta.

Horraanntii todobaadkanna, maamule iskuul ku yaalla gobolka Nyanza oo dharka ka dhigay gabar, bacdamaa ay wadatay goonno gaaban ayaa waxaa xiray booliska.

Sarkaal ka tirsan hay'adda daryeelka carruurta ee kenya oo aan doonayn in magaciisa la sheego ayaa ugu baaqay dacwad soo oogaha inuu kiisaska gacanta ku qabto oo uu xaqiijiyo in kuwa lagu eedeeyey tacaddiyada galmada ee dhanka ka ah carruurta iyo ciyaal iskuulka la dacweeyo.

Ururka ay leeyihiin macallimiinta dugsiyada sare ee Kenya ayaa isna mar kale sheegay in aysan difaacayn cid walba oo lagu helo inay ka hor timaado xeerarkooda anshaxa.

Dadaal la doonayey in jawaab looga helo ururka macallimiinta Kenya, oo xubno badan oo ka tirsan ay ku jiraan liiska madow ayaan mira-dhal noqon.