Qarax ka dhacay dalka Masar

Lahaanshaha sawirka
Image caption mintidiinta waxa ay kol hore weerara ka gaysteen gobalka Sinai

Qarax ayaa ka dhacay gob muhiim u ah dalxiiska dalka Masar oo ku taalla magaalada Luxor.

Saraakiishu waxay sheegeen in booliisku ay xabad ku fureen saddex ruux soo abaaray meel macbad ah oo qadiimi ah oo loo yaqaano Tample Karnak.

Mid ka mid ah saddexda nin ayaa dhintay markii ay qaraxday miinadii uu watay, mid kalana toogasho ayaa lagu dilay. Midkii saddexaadna waa la dhaawacay.

Ilaa iyo hadda ma cadda cidda ay yihiin dadka weerarka soo qaaday.

Laakiin waxaa la tuhusanyahay malayshiyaad islaami ah oo inbadan soo waday qaraxyo iyo weeraro ay ku qaadaan laamaha ammaanka.

Qof goob jooge ah ayaa sharxaya wixii dhacay.