Cirbixiyeenno dhulka ku soo laabanaya

Lahaanshaha sawirka Getty

Saddex cirbixiyeen oo samada jiray ayaa ku soo laabanaya dhulka kaddib markii wax ka yar labo boqol oo maalmood ay halkaasi joogeen.

Waxaa lagu waday inay soo laabtaan bishii hore balse waxaa lagu qasbay inay dib u dhigaan safarkooda kaddib markii sahaydoodi ay gubatay taasi oo dhacday markii ay dib u soo galeen jawiga dhulka.

Dib u dhacan ayaa noqonaya in mid ka mid ah cirbixiyeennada, Samantha Cristoforetti, ayaa dhigi doonta rekoor cusub oo dunida ah, kaasi oo noqonaya waqtigii ugu badnaa ay haweeney ku joogto dayaxa hal howlgal.

Dayaxgacmeedka Soyuz ayaa ku soo dagi doona Kazakhstan.