Shiinaha: Hogaamiye sare oo la xukumay

Lahaanshaha sawirka CCTV

Madaxii hore ee ammaanka Shiinaha, Zhou Youngkang, ayaa xabsi daa'in loogu xukumay qaadasho laaluush, ku takrifal awood iyo bixin sirta wadanka.

Waxa uu ahaa hogaamiyihii ugu sareeyay xisbiga Shuuciyadda oo abid loo maxkamadeeyo musuq maasuq.

Ilaa markii uu shaqada ka fariistay saddex sano ka hor, ayuu Zahou ka mid ahaa kuwa ugu awoodda badan Shiinaha. Wuu qirtay inuu laaluush 20 milyan oo doolar ah qaatay. Wiilkiisa iyo xaaskiisa ayaa tiro intaa la eg oo hanti ma guurta ah iyo lacag cadaan ah qaatay.

Maxkamadeynta oo dhacday labo todobaad ka hor ayaa waxa ka soo baxay maanta la sheegay.