Baaritaan cusub oo lagu sameynayo diyaaradii ku dhacday Faransiiska

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Diyaarad ay leedahay shirkadda Germanwings ayaa waxa ay ku burburtay dalka Faransiiska

Dambi baarayaasha Faransiiska ayaa sheegay in ay bilaabayaan baaritaano hor leh oo ku aadan burburkii diyaaradii Germanwings, taasi oo bilowgii sanadkan ay ku dhinteen 150 qof.

Arrintan ayaa timid kaddib markii qaar ka mid ah dhakhaatiirta caafimaadka ay sheegeen in ay xukumeen in duuliye Andreas Lubitz aanay u haboonayn inuu galo duulimaad.

Mr Lubitz, oo diyaarada ku soo riday buuraleyda Alps ee Faransiiska bishii Maarso, ayaa waxa uu la dhintay dhammaan rakaabikii saarnaa diyaaradda, hasayeeshee faafaahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxaysaa taariikhdiisii dhibta badneyd.

Brice Robin oo ah dacwad soo ooge jooga magaalada Marseille, ayaa sheegay inuu bilaabayo baaritaan hordhac ah oo ku saabsan bal haddii eedeymo ku saabsan dil aan ulakac ahayn la soo oogi karo, kuwaasoo la xiriira kiiska.

Mr Robin wuxuu sheegay in Andreas Lubitz uu u tagay 7 dhakhtar oo kala duwan bishii ka horraysay burburkii diyaarada.

Nin isku buuqsan ayuu ahaa sida uu sheegay dambi baaraha, oo ka welwelsanaa aragtidiisa indhaha.

Laakin ma jirin wax ku baraarujiyey shirkaddii uu u shaqaynayey dhibaatadan, sababtoo ah, sida uu Mr Robin sheegay, cabsi laga qabay sharciyada dhowrista xogta bukaanka ee Jarmalka oo aad u adag awgood.

Baaritaanka hordhaca ah ee ka billowday Faransiiska, ayaa eegi doona bal inuu jiro mugdi ku jira waxa ay ogaayeen dhakhaatiirta duuliyaha iyo waxa ay ogayd shirkaddii uu u shaqaynayay, oo muujin kara in la keeno eedeymo ku saabsan dil aan ulakac ahayn oo ka dhan ah hay'ado ama shaqsiyaad.