Umulisooyin Hargeysa lagu tababaray

Image caption Edna Aadan iyo qaar ka mid ah gabdhaha tababarka umulisanimada qaatay

Magaalada hargeysa waxaa lagu qabtay xaflad qalin jabin ah oo loo sameeyay afartan gabdhood oo ku bartay xirfadda umulisanimada Cisbitaalka Dhalmada iyo Daaweynta Haweenka ee Edna ee Hargeysa.

Afartankan gabdhood ayaa muddo laba sano ah baranaayay xirfadan umulisanimada iyadoo halkaasi loogu qaybiyay qalabkii ay u isticmaali lahaayeen dhalmada iyo badbaadinta hooyada iyo ilmaha yar.

Gabdhahan ayaa waxay ka kala socdeen gobollada iyo degmooyinka Somaliland, iyagoo ka hawgeli doona meelihii ay ka kala yimaadeen siiba meelaha fog ee aan lahayn cisbitaallada.

Edna Aadan Ismaaciil, oo ah gabadha aasaastay cisbitaalka EDNA, ayaa waxay BBC u sheegtay in dufcaddan oo ah dufcadii saddexaad ee hablo ay u tababarto dhalmada ay yihiin hablo markii hore ka soo baxay dugsiga sare.

Waxay sheegtay in yoolkoodu yahay inay kun hablood u tababaraan umulisanimo, iyadoo haatan ay soo saareen 103 hablood oo umulisooyin ah oo ka hawlgala Somaliland oo dhan.

Laba gabdhood oo ka mid ah hablahaasi ayaa BBC u sheegay inay ka hawlgelayaan deegaanada Balligubadle iyo Sallaxlley oo ay cilmigii ay barteen ku badbaadinayaan hooyooyinka iyo caruurta u baahan.