Nin Soomaali oo Canada lagu xiray

Nin Soomaali ah ayaa Canada loogu xiray kaalin la sheegay inuu ka qaatay labo wariye oo lagu afduubay Soomaaliya.

Booliska ayaa sheegay in Cali Cumar Cader lagu xiray Ottawa, kaddib markii laga dhaadhiciyay inuu Canada yimaado.

Labada wariye oo kala ahaa gabar Canada u dhalatay iyo nin Australian ah ayaa la haystay 15 bilood, ka hor intii aan la sii deyn sanadkii 2009-kii. Waxeyna sheegeen in la tumay oo la jirdilay intii la haystay.