Askar lagu laayay dalka Afqaanistaan

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Taalibaan waxa ay sheegeen in ay askar badan ku laayeen dagaalada ka soconaya gobolkaasi Helmand.

Ugu yaraan 20 askari oo ka tirsan booliska dalka Afqaanistaan ayaa lagu dilay weerarro uu ururka taalibaan ka gaystay gobolka Helmand ee koonfur galbeed dalkaasi.

Sarkaal ka tirsan saraakiisha dalkaasi ayaa sheegay in dagaalyahanada Taalibaanku ay weerar ku qaadeen dhawr saldhig oo boolisku ku leeyihiin degmda Musa Qala.

Waxa uu intaasi ku daray in dagaalka uu socday ilaa saaka oo sabti ah, Taalibaankuna jab weyn la gaystay.

Taalibaan ayaa warbixin qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay dileen 25 askari isla markaana ay hub iyo qalab kaleba ka qabsadeen booliska.

Weriyahaya BBC-da ee dalka Afqaanistaan ayaa sheegaya in colaadda ka jirta woqooyiga gobolkaasi Helmand ay ka sii daraysay tan iyo markii billowgii sanadkan ay dowladda halkaasi ka billowdsay dagaal ka dhan ah Taalibaan oo ay ku doonayso in dhulkaasi ay ku soo celiso gacanteeda.

Weerarkan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii weerar noocan oo kale ah ay bishii April Taalibaanku lagu dileen tiro boolis iyo milatari isugu jiro.