Xayawaanaad ku fakaday caasimadda Georgia

Image caption Jeer magaalada dhexdeeda mareyso

Daadad ayaa ku dhuftay caasimadda dalka Georgia, ee Tbilisi, waxaana ku dhintay sided qof.

Madaxda dalkaasi waxa ay dadka ugu baaqayaan inay guryahooda ku sugnaadaan si ay uga fogaadaan in waxyeelo ay ka soo gaarto xayawaanaad ka soo baxsaday keyn weyn.

Xayawaanaadka la la’yahay waxaa ka mid ah Shabeel, Libaaxyo, iyo yeey. Seddax kamid ah dadka dhintay waxaa laga helay keynta gudaheeda.

Jeer ayaa dhexgashay meelaha magaalada ugu muhiimsan laakiin markii dambe waala qabtay.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaar ka mid ah xayawaanaadka ayaa la dilay

Shaqaalaha gurmadka ayaa raadinaya dad ku qarqamay guryo biyaha ay qariyeen. Tobannaan qof ayaana guryo la’aan ku noqday fatahaadaha.

Daadadka ayaa bilowday kaddib markii roobab xoog leh ay de’een kuwaas oo sababay in wobiga halkaasi mara oo qararka qabsado.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Daadadka waxa ay qaadeen gawaarid iyo guryo

Kumannaan qof ayaa biyo iyo koronbta la’aan ah, iyadoo kuwa badan diyaarado lagu daadgureeyay si biyaha looga samatabixiyo.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mid ka mid ah gawaarida gurmadka degdegga ah oo biyaha ay qarqiyeen

Duqa caasimadda Georgia, ayaa sheegay in qaar ka mid ah xayawaanada baxsaday la qabtay kuwana la dilay, lakiin waxa uu tilmaamay inaysan ogeyn tirade soo baxsatay ee caasimadda ku dhexjira.