Dagaal u dhexeeya Taaliban iyo Daacish

Image caption Labada urur waxay isku haystaan maamulka Jalalabad

Boqollaal qof oo shacab ah ayaa guryahooda ka qaxay kaddib dagaal xoog badan oo bariga Afghanistan ku dhexmaray Taliban iyo koox sheegatay inay Daacish ka mid yihiin.

Dadkan oo ka qaxay magaalada Jalalabad, ee bariga dalkaasi, ayaa la sheegayaa inay lamid noqotay sida in kacaan cusub uu meesha galay oo uu qabsaday.

Saraakiisha dowladda ayaa tilmaamay in boqollaal qof lagu dilay dagaalka oo u dhexeeya labada urur ee dowladda ka soo horjeeda, haddana dhexdooda dagaalamaya, dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, sawir la baahiyay oo uu ka muuqdo dagaalyahan Taalibaan ka tirsan oo madaxa laga jarayo ayaa lagu daabacay bar ay internetka ku leeyihiin Daacish.

Daacish waxa ay sheegayaan inay gowraceen 10 ka mid ah dagaalyahaniinta Taalibaan, isbuucan oo keli ah.

Wararka la xiriira dagaalka labadan koox u dhexeeya ayaa dhowaanahan sii xoogeysanaaya, inkastoo dhanka waqooyiga, dowladda ay sheegeyso in Taalibaan iyo Daacish ay ka wadashaqeeyaan, oo ay ladagaalamayaan ciidamada dowladda.