Muslimiinta UK oo diiday yareynta saacadaha soonka

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Muslimiinta Britain waxa ay soomayaan 19 saacadood

Urur islaami ah oo ka mid ah ururada ugu waaweyn dalka Britain ayaa sheegaya in muslimiinta dalkaasi ay iska yareeyaan saacadaha soonka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka, oo la filaayo inay bilaabato isbuucaan.

Sheikh ka tirsan ururka ladagaallinka xagjirnimada oo lagu magacaabo Dr Usama Xasan, ayaa sheegay in soomidda qorax soobaxa illaa gabaldhaca ay dhibaato noqon karto.

Arrintaasi waxa uu sabab uga dhigay in ay adagtahay in illaa 19 saacadood ay dadka soomaan oo ay iska daayaan cunnada iyo cabitaanka.

Dr Xasan ayaa sheegaya in isbedel uu micno sameynaayo, taas oo uu ula jeedo in dadka ay afuraan ka hor inta qoraxda aysan dhicin.

Laakiin uslimiin badan oo ku nool Britain ayaa arrintaasi ka soo horjeestay, waxa ayna sheegeen inay raacayaan sida uu yahay waqtiga dalka ay ku nool yihiin.