Qof British ah oo "lagu dilay" Kenya

Lahaanshaha sawirka d
Image caption Al-shabaab waxaa ka mid ah dagaal yahaniin caddaan ah

BBC ayaa ogaatay in la xoogagga amniga ee Kneya ay baarayaan nin la sheegay inuu British yahay kaas oo ka mid ahaa 11 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay gobolka xeebta ee Kenya, intuu socday weerar Al-shabaab ay ku qaadeen Kenya.

Mid ka mid ah labadaan cadaanka, ayaa lagu sheegay magaciisa inuu yahay Thomas Evans – kaas oo soo islaamay lana baxay magaca ah Cabdul Xakiim.

Waxaa la aamin san yahay inuu waalidkiisa u sheegay inuu Al-shabaab ku biiray sanadkii 2012kii.

Koox boolis caalami ah ayaa la shaqeynaya ciidamada amniga ee Kneya, si loo garto ninkan la aaminsan yahay inuu yahay Thomas Evans – oo 25 sano jir ahaa kana soo jeeday Buckinghamshire, ee Britain.

Kooxda Al-shabaab ayaa shalay weerar ku qaaday deegaanka Lamu oo ah dhanka waqooyiga ee gobolka Xeebta, halkaas oo ku dhow Soomaaliya.

Dableyda halkaasi weerarka ku qaaday ayaa la sheegayaa inay ku hubeysnaayeen qoryaha fudfudud sida, AK47s iyo banbooyiin, waxayna doonayeen inay galaan xero militari, halkaas oo ay ku dhinteen laba askeri.

Ugu yaraan, 50 qof oo u dhashay Britain ayaa la aaminsan yahay inay ku biireen Al-shabaab, taas oo xiriir la leh ururka Al-qacidda.

Al-shabaab waxa ay masuul ka ahaayeen weeraro dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay dalalka Kenya iyo Soomaaliya, inkastoo fadhigoodu yahay Soomaaliya.

Qofka lagu sheegay Thomas Evans, oo la baxay Cabdul Xakim, waxa uu ku jiray liiska dadka la xannibay, 2011kiina waxaa loodiiday inuu Kenya soo galo.

Waxay noqoneysaa markii ugu horeysay oo qof British ah uu ku dhinto weerar ay Al-shabaab ku qaaday gudaha Kenya.