HRW: Ciidamada Kenya dhibaato ayey geysteen

Image caption Ciidamada Kenya oo howlgallo sameynaya

Hay'ad u ololeeya xuquuqda aadanaha ee, Human Rights Watch, ayaa sheegeysa in tallaabooyiinka ciidamada amniga ee Kneya, kadiib weerarada Al-shabaab inay sare u qaaday xiisadda dalka.

Arrintan waxaa lagu sheegay warbixin manta la soo saaray, taas oo ku soo beegmeysay halsano kaddib weerarkii Mpeketoni, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 60 qof.

Image caption Gawaari ku gubatay weerarkii Mpeketoni

Hay’adda Human Rights Watch waxa ay sheegeysaa in ciidamada amniga ay ku guuldareysteen inay difaacaan dadka rayid ka ah, intuu weerarkaasi socday ama ay baaritaan sax ah ku sameeyaan arrinta.

Image caption Ciidamada Kenya oo ku sugan Lamu

Waxa ay hay’adda hoosta ka xariiqday in markii ay ka jawaabayeen ciidamada dhacdooyiinka, inay xannibaad ku rogeen Muslimiinta iyo Soomaalida, taas oo hay’adda ay ku tilmaamtay inay xaaladda siixumeysay.