Dil lagu xukumay siyaasi u dhashay Bangladesh

Lahaanshaha sawirka EPA

Maxakamadda Sare ee Bangladesh ayaa dib u xukuntay dilka ka dhanka ah hogaamiye sare oo islaamiinta Bangladhesh ka tirsan oo lagu helay in uu danbiyo dagaal geystay intii lagu guda jiray dagaalkii madaxbanaanida looga raadinayay dalka Pakistan sanadkii 1971dii.

Cali Axsan Maxamed oo ah saraalkii labaad oo ka tirsan Xisbta Jamaacatu Islaam ayaa lagu heley sanadkii 2013 shan danbi oo ay ka mid yihiin dil iyo jir dil.

Mr. Maxamed ayaa waxaa uu ahaa hogaamiyahii Ururka Al badar oo maleeshiyadiisu ay khaarijiyeen xeen aqoonyahano ah.

Qareenka Mr. Maxamed ayaa sheegay in ay dalban doonaan in dacwada ka dhanka ninkani dib loo eego.

Marar hore ayaa waxaa jiray xukuno ka dhan ahaan laba mas'uul oo sare oo ay maxakamadda sare ee Bangladesh ku gacansartay in dacwadahooda dib loo eego, ka dibna labadii mas'uulba waa la deldelay.