Go'aan ka soo baxay dacwadii Mursi

Lahaanshaha sawirka AP

Maxkamad ku taala dalka Masar ayaa xaqiijisay dilka lagu xukumay madaxweynihii hore ee Masar, Muxammed Mursi uu la xiriiray mu'aamarad looga baxaday xabsi iyo weerar lagu qaaday boliiska intii uu socday kacdoonkii ka dhanka ahaa maxweynihii isaga ka horeeyay Xusni Mubaarak.

Xukunka ayaa ku soo beegmaya ka dib markii maxkamad sare ay la tashatay muftiga guud oo arrimaha shareecada u qaabilsan dalka Masar.

Qareenka madaxeyne Mursi ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadan doono xukunka. Mar sii horeysay, ayaa madaxweyne Mursi waxaa lagu helay danbi basaasnimo ah waxaana lagu xukumay dil. Madaxweynihii hore ee Masar ayaa lagu eedeynayaa in uu u basaasay dalka Iraan iyo kooxaha Xamaas iyo Xisbullaah.