Chad oo weerartay saldhigyo Boko Xaraam

Militeriga Chad ayaa sheegay inay ku qaadeen weeraro taxane oo cirka ah saldhigyada Boko Xaraam ee Nigeria, iyagoo kaga aargudanayay labo bam oo is qarxin ah oo dhacay todobaadkan.

Ciidamada Chad ayaa sheegay, in duqeynta cirka oo la fuliyay habeenimadii arbacada ay u geysteen waxyeelo xooggan oo naf iyo qalab isugu jirtay lix saldhig oo xagjiriintu leeyihiin.

In ka badan sodon ruux ayaa isniintii lagu dilay bam is qarixin oo ka dhacay magaalada xarunta ee N' Djamena. Waxayna ku beegsadeen xarumaha booliska iyo akadeemiyada.

Chad ayaa kaalin weyn ka qaadatay ololaha militeri ee gobalka kaasi oo lagula dagaalamayo Boko Xaraam.