Codeynta Hong Kong

Baarlamaanka Hong Kong ayaa diiday qorshe lagu soo hordhigayay ay Bejiin ku badaleysay habka loo doorto hogaamiyaha dhulka.

Madaxa dowladda magaalada, Cy Leun, ayaa dhaliilay siyaasiyiinta qorshahaasi ka horyimid, isagoo sheegay inay diideen waxa inta badan rajeynayeen.

Barlamaanka ayaa u codeynayay in wax laga badalo qorshooyin u ogolaanayay dadka Hong Kong inay doortaan hogaamiyahooda.

Waxay aheyd dhammaadka dood xiiso leh taasi oo koox sharci dajiyayaal ah oo taageeray sharciga ay isagaga baxeen daqiiqado ka hor codeynta.