Umuliso Judy Thomson

Judy Thomson waa umuliso khibrad dheer leh oo ka socota Australian doctors for Africa.

Waxay ka caawisaa isbitaalka - dhalmada iyo daaweynta hooyada ee Edna ee magaalada Hargeysa - xagga tababaridda kal-kaaliyaasha caafimaadka iyo umulisooyinka.

Gabadhani ayaa sheegtay inay ku dhalatay Hargeysa 1951 oo aabaheed u shaqeyn jiray maamulkii Ingiriiska ee xilligii gumeysiga, isagoo u qaabilsanaa samaynta maping-ka. Kadibna ay caafimaadka ku soo wada barteen Edna UK iyagoo yaryar.