Waqtiga deymaha Giriigga

Madaxa hay'adda lacagta adduunka, Christine Lagarde, ayaa sheegtay inaan Giriigga la siin doonin waqti dheeri ah oo ay deymahoodu ku bixiyaan.

Lagarade oo la kulmeysay kooxda wasiirada lacagta ee Yurub, ayey cadaadis ku kordhineysa Athanes si ay u aqbalaan dib u qaabeyn looga hortagayo in wadanku iska bixin waayo deymaha caalamiga dhamaadka bisha June.

Lagarde ayaa sheegtay in Giriiggu uu u baahan yahay qorshe ay aamini karaan bulshada caalamka oo ay ku jirto in isbadal weyn lagu sameeyo nidaamka lacagaha dadka waayeelka.

Dowladda Giriigga ayaa diiday inay xisaabto ku darsato dhimis weyn oo lagu sameeyo lacagaha la siiyo dadka waayeelka ah.