US: Ma hayno Ciraaqiyiin ku filan Daacish

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Xooggaga Ciraaqiyiinta ah ee la dagaallamaya Daacish

Labada mas’uul ee ugu sareeya waaxda difaaca ee Mareykanka, ayaa sheegay in aanay helin tiradii ay filayeen in ay u tababaraan ciidammada Ciraaq, si ay ula dagaallamaan xooggaga Daacish.

Xoghayaha difaaca Mareykanka, Ash Carter iyo taliyaha ciidammada dalkaasi, Jeneraal Martin Dempsey, ayaa u sheegay guddi ka tirsan Congress-ka in Daacish aan laga guleysan karin, haddii aan la helin ciidammo maxali ah oo ku filan la dagaalankooda.

Waxa ay ku baaqeen in wadashaqeyn wanaagsan laga helo dowladda Ciraaq, iyaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay in Suniyiinta Ciraaq ay dowr mug leh ka qaataan dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Mareykanka ayaa horay u shaaciyay in ciidammadiisa lugta ah aanu gelin doonin duulaanka ka dhanka ah Daacish, balse uu tababar siin doono Ciraaqiyiinta.