Weerarkii kiniisadda Maraykanka oo dood dhaliyay

South Carolina
Image caption Weerarka ayaa ka dhacay kaniisad taariikhi ah

Toogashadii ka dhacday kiniisad ay ku cabaadaystaan dadka madaw ee maraykanka ah ayaa waxa ay dalkaasi ka soo cusboonaysiisay dooda ku saabsan lahaanshaha hubka.

Musharaxa madaxtinimada ee xisbiga Dimuqradiga Hilary Clinton ayaa sheegtay in dalka uu u baahnayhay in uu wajaho runta qalafsan ee ku aadan isirka iyo rabshadaha qoryaha loo adeegsado.

Sagaal qof ayaa ku dhintay weerarka ka dhacay kiniisad ku taalla magaalada Charleston ee koofurta Carolina.

Wiil 21 jira ah oo caddaan ah ayaa falkaasi loo soo qabtay.

Kiniisaddan ayaa ah mid taariikhi ah oo ay ku cibaadeystaan dadka madow ee Maraykanka.

Boliisku waxay ku raadjoogaan nin caddaan ah oo weerarka gaystay.

Madaxda boliiska ee gobolkaasi, Gregory Mullen, ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in weerarku yahay mid ku dhisan naceyb.

Kaniisaddan la weeraray ayaa ka mid ah kuwa ugu da'da weyn dalka Maraykanka.