Shabaab oo sheegatay weerarka Cadaado

Soomaaliya weerar Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ururka Al-Shabaab ayaa weerarro ka fuliyo Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerar lagu qaaday goobta uu ka socda shirka maammul u samaynta gobollada dhexe.

Wararku waxay sheegayaan in qaraxa kaddib goobtaasi ay ka billaabatay is rasaaseyn xooggan.

Warbaahinta dowladda waxay sheegaysaa in ciidammada ammaanka ay fashiliyeen weerar lagu soo qaadey goobtaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dishay dhammaan afarta dagaalyahan ee weerarka gaysatay, iyagoo aan gaysan wax khasaaro ah.

Goobta la weerary waxaa la sheegayaa inay ku sugan yihiin boqolaal ergo ah oo ka qeybgalaysa shirka gobollada dhexe.