31 ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Sanca

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Waxaa Geneva ka socda wadahadalo lagu dhameynayo dagaalka Yemen

In ka badan 30 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen qaraxyo isxigxigay oo ka dhacay caasimada Yemen ee Sanca.

Goobaha qaraxyada lala beegsaday ayaa waxaa ka mid ahaa laba masaajid oo ku yaalla xaafad ay Shiicada ku badan tahay, kuwaas oo laga tukanayay salaadda Taraawiixda.

Dagaalyahano ka tirsan ururka la magaca baxay dowladda Islaamiga ah ayaa sheegay in ay fuliyeen qaraxyadaasi.

Qaraxyada ayaa kusoo beegmaya xilli ay wadahadalo ku aaddan nabada Yemen, ayna Xuutiyiinta qeyb ka yihiin, ay ka socdaan magaalada Geneva.

Wadahadaladaasi ayaan isfahan muuqda laga gaarin.