Giriigga oo dooneyn inuu Yurub ka baxo

Ra'iisul wasaaraha Giriigga ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo xaqiijinta go'aan adago oo waxtar leh oo ku aadan xiisadda dhinaca deymaha dalka, isagoo ka hortagayo in Giriiggu ka baxo Yurub.

Ra'iisul wasaare Alexis Tsipras ayaa qoraal ku sheegay in kuwa saadaasha qaldan ee cabsida sameynaya ay qaldan yihiin. Waxa uu sheegay in shirka hogaamiyayaasha Yurub ee isniinta uu weli mushkiladda xalin karo.

Hadalka Tsipras ayaa yimid markii banka dhexe ee Yurub uu ka yeeshay kulan deg deg ah uu kaga fiirsanayo deymaha bangiyada Giriigga, kaddib markii lala baxay todobaadkan in ka badan labo bilyan oo Euro.

Giriigga ayaa laga rabaa inuu bixiyo deymaha IMF dhamaadka bishan si uu uga badbaado inay ku guuldareystaan dib u bixinta deymaha iyo inuu isaga baxo lacagta lagu mideysan yahay.