Dad lagu xirxiray dalka Shiinaha

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Booliska Shiinaha

Booliska dalka Shiinaha ayaa waxa ay xireen 13 qof ka dib markii boqolaal qof ay soo weerareen saldhig boolisku ay leeyihiin. Dadkan ayaa waxay ka xumaayeen haweeneey dhimatay.

Telefishenka dowlada Shiinaha ay leedahay ayaa laga sheegay in haweenaydan oo 28 jir ahayd ay ku dhimatay gobolka Hunan bilowgii bishan June. Sababta geerida haweenaydana waxaa lagu sheegay in la sumeeyey. Balse qoyska ay ka dhalatay ayaa sheegay in dilkeeda uu ku lug lahaa ninkeeda.

Waxaa la garaacay ninkii haweenaydan qabay ka dib maydkii ay haweenayda ayaa loo qaaday guriga ninkii qabay. Saraakiil damcay inay arinka soo dhexgalaan afduub ahaan aya aloo kaxaystay.

Dhacdadan ayaa markii dambe horseeday in dadkii deegaankaasi deganaa kana xumaa geerida haweenaydan ay jidadka magaaladda xiraan ayna weeraraan saldhiga booliska.