Tirada dadka ku dhintay weerarada dunida

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciraaq ayaa ka mid ah meelaha dadka ugu badan ay ku dhinteen

Ururada xagjiriinta ee Dacish iyo Boko Xaraam ayaa sare u qaaday falalka weerarada sanadkii tagay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa tiro ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in weeraradu sare u kaceen in inta u dhaxeysay sanakdii 2013-ka iyo 2014-ka.

Tirada Mareykanku soo saaray ayaa mid ah naxdin leh, 32,727 kun oo qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad 13,500 kun oo weeraro argagixiso ah kaliya sanadkii lasoo dhaafay.

Taasi oo ah tiro aad uga badan tiradii sanadkii 2013-kii, balse sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ayaa ka digtay in tiradu intaasi ay ka badan tahay.

Waxa ayna sheegtay in inta badan dhibtaadu ay ku xoogan tahay dalalka colaaduhu ka jiraan sida Ciraq iyo Afganistan.

Tirada ugu badan dhimashada ayaa la filayaa in qeyb ka mid ah ka dambeeyaan ururada Daacish iyo Boko Xaaram.

Waaxda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in ururka Daacish ay ku xasuuqday 670 qof oo maxaabiis Shiico aha magaalda Muusal, taasi oo ah weerarkii ugu dhimashda badnaa ee caalamka dhan ka dhacay sanadkii lasoo dhaafay.