Qarax iyo rasaas laga maqlay Muqdisho

Lahaanshaha sawirka
Image caption sawir hore

Qarax wayn ayaa saaka laga maqlay bartamaha magaalada Muqdisho, meel aan sidaa uga fogayn xarunta taliska sirdoonka.

Wariyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho Maxamad Ibraamin Mocalimuu waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda la maqlayo dhawaqa rasaasta.

Al-shabaab waxa ay sheegeen in ay gudaha u galeen xarunta sirdoonka oo ay hadana gudaha kula dagaalamayaan ciidammada dawladda.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan khasaaraha weerarkaasi.