Dowladda oo guul ka sheegatay weerarka Alshabaab

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Alshabaab ayaa tan iyo markii Ramadaanka uu bilowday weerartay meelo badan.

Isku dhac ayaa ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow xarun lagu tababaro ciidamada sirdoonka Soomaaliya.

Gaari uu saarnaa qof ismiidaamiyay ayaa ku qarxay dibadda kore ee xarunta.

Koox kale oo Al-shabaab ka mid ah ayaa markaasi kaddib si qalad ah u galay dhismo dad rayid ah ay deganaayeen, iyagoo mooday inay tahay xarunta tababarada ee sirdoonka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee soomaaliya ayaa sheegeysa inay fashiliyeen weerar saaka ay Alshabaab doonayeen inay ku qaadaan xarumaha dowladda Soomaaliya ee magaalada muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda, Maxamed Yusuf ayaa BBC-da u xaqiijiyay in weerarka meesha uu ka dhacay ay tahay meel barxad ah oo kubadda lagu xiyaaro.

Ciidamada dowladda ayaa rasaas ku furay raggaasi, kaddibna waxay dileen ugu yaraan seddax qof oo ahaa kuwa weerarka qaaday.

Alshabaab waxa ay sheegatay inay dishay ugu yaraan 10 ka mid ah ciidamada sirdoonka, laakiin dowladda ayaa beenisay in dhankeeda uu wax dhib ah soo gaaray.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha, Maxamed Yusuf, ayaa sheegay in ay ka warhayeen gaariga iyo kooxda la socotay. ayna ka hortageen, waa sida uu sheegay ee.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay ciidamada amniga ee Soomaaliya ay dileen dhammaan dableyda weerarka ka dambeysay.

Alshabaab waxa ay xoojisay weerarada ay qaadeyso tan iyo markii Ramadaanka uu bilowday.