Taalibaan oo magaalo muhiim ah qabsatay

Image caption Talibaan ayaa dib u bilowday olole ka dhan ah dowladda Afgahnistan

Maamulka dalka Afghanistan ayaa sheegaya in Taliban ay la wareegeen magaalo muhiim ah oo ku taalla gobolka waqooyiga ee Kunduz.

Weriyaha BBC-da ee halkaasi ayaa sheegaya in magaaladan oo lagu magacaabo Chardara ay ku taallo meel istiraatiiji ah, ayna aad ugu dhowdahay eelaboor.

Magaaladan waxay sidoo kale saaran tahay wadada gobolka ku xirta caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul.

Bar internetka ay Talibaan ku leeyihiin ayaa lagu qoray in mintidiinta ay la wareegeen xarun boolis oo aad u qalabeysan.

Laakiin xoogagga dowladda ayaa hadda qaaday dagaal rogaal celis ah si ay dib ula wareegaan Chardara iyo qeybo kale oo aad u ballaaran oo ka mid ah gobolka, halkaas oo dhowaantan ay kooxda la wareegtay.