Doorashadii Itoobiya waxaa ku guulaystay xisbiga EPRDF

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Doorashada Itoobiya waxay dhacday bishii May 24-keedii

Sida ay sheegeen gudiga doorashooyinka ee dalka Itoobiya waxaa doorashadii dalkaasi ka dhacday ku guulaystay xisbiga talada haya ee EPRDF oo la sheegayo in dhamaan kuraastii baarlamaanka oo tiradoodu tahay 547.

Natiijada ayaa la sii sheegay in la shaacin doono maanta.

Itoobiya waxay doorashada ka dhacday bishii la soo dhaafay 24-keeda waxaana la sii saadaalinayay in EPRDF ay ku guulaysan doonto.

Sida lagu wado dowlada cusub waxaa soo dhisi doona xisbiga doorashada ku guulaystay. Mucaaradka ayaa ku gacan sayray natiijadan.

EPRDF waxay Itoobiya ka talinaysay 24-kii sano ee la soo dhaafay. waxaana lagu tilmaamaa dalkaasi inuu dhaqaalihiisa kobcay walow dimoqraadiyad ahaan aysan jirin loolan doorasho oo furan