Xaaska wasiir Israa'iil oo 'u gaftay' Obama

Lahaanshaha sawirka
Image caption Obama

Xaaska wasiirka arrimaha gudaha Israa'iil ayaa raaligalin ka abixsay qoraal ay soo galisay barteeeda Twitter-ka oo ku saabsan Madaxweyne Obama oo dadka qaar ay ku sifeeyeen mid isir nacayb ku salaysan.

Judy Shalom markiiba way saartay qoralakaasi oo ay Obama kala mid dhigtay bun maadaama beey tiri uu yahay ''madow jilicsan''

Waxa ay sheegtay in ay ka xuntahay qof kasta oo dhibsaday qoraalkeeda waxa ayna sheegtay in ay rajaynayaso in ninkeeda uusan u furi doonin hadalkaa dartiis.

Ninkeeda, Silvan Shalom shaqadiisa siyaasadeed waxaaa ka mid ah wanaajinta xariirka Maraykanka iyo Israa'il