Daacuun ka dillaacay Koofurta Sudan

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption UNICEF waxa ay sheegtay in caruur badan ay halis ugu jiraan xanuunkan

18 qof ayaa bishan cudurka daacuunka ugu dhimatay dalka Koofurt Sudan.

Hay’adda caruurta u qaabilsan Qaramada midoobeey ee UNICEF ayaa sheegeysa in illaa 5,000 oo caruur ah ay halis ugu jiraan inay cudurkan u dhintaan, haddii aan tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo faafidda duucaanka la qaadin.

Wakiilka hay’adda UNICEF ee Koofurta Sudan, Jonathan Veitch, ayaa sheegaya in inkabadan 4.5 milyan oo dollar sidegdeg ah loogu baahan yahay si xaaladda looga jawaabo.

Dalkaasi ayaa cudurka daacuunka uu ku soo noqnoqday tan iyo markii uu dagaalka ka bilowday, bishii December ee sanadkii 2013.