Rufykiri oo Burundi ka cararay

Madaxweyne ku xigeenka Burundi ayaa u cararay Belgium. Gervais Rufyikiri ayaa sheegay inuu noloshiisu u baqay kaddib markii shaqsiyan loo hanjabay.

Rufykiri ayaa ka hadlay fakarkiisa uu kaga horjeedo ololaha madaxweyne Nkurunziza uu mar saddexaad ku doonayo inuu xafiiska ku qabto.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Burundi ayaa sheegay in Rufyikiri aan loo hanjabin, uuna sharaxay oo kaliya fakarkiisa.

Xiisadda ayaa kacsan Burundi kaddib todobaadyo dibadbaxyo rabshado watay oo looga horjeeday dib u doorashada uu madaxweynaha doonayo. Codeynta ayaa la filayaa in la qabto bisha dambe.