Faraqa Giriigga iyo deyn bixiyayaasha

Wasiirka lacagta ee Germalka, Wolfgang Schaeuble, ayaa ka digay inuu sii balaaranayo faraqa u dhexeeya Giriigga iyo deyn bixiyayasha caalamiga.

Iyadoo ay kooxda wasiirada lacagta Yurub ku kulmeen Brussels markii afaraad todobaadkan ayuu sheegay in Giriiggu dib u gurteen.

Kulan hore oo dhexmaray ra'iisul wasaaraha Giriigga, Alexis Tsipras, iyo deyn bixiyayaasha ayey soo jeediyeen in dib loo dhigo jarista lacagta dadka howlgabka ah la siiyo iyo waxyar oo la yareeyo canshuuraha.

Giriigga waxa uu u baahan yahay gargaarka lacageed uu deymaha isaga bixiyo.

Sarkaal sare oo Giriirg ah ayaa sheegay inuusan jirin faraqa weyn oo joojin kara heshiis la gaaro.