Kagame oo weeraray galbeedka.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa weeraray wadamada galbeedka kaddib xarrigga madaxa sirdoonkiisa, kaasi oo sabtidii Britain lagu xiray.

Kagame ayaa u sheegay barlamaanka Rwanda, in warqadda xarigga Yurub ee lagu xiray Karenzi Karake ay tahay mid quursi iyo ixtiraam darro.

Karake ayaa damiin hal milyan oo shuruudi ku xiran tahay lagu sii daayay. Waxaana shuruudaha ka mid ah in maalin kasta uu buuliska la xiriiro.

Spain ayaa ku eedeysay dilka rayid ay ku jiraan shaqaale gargaar oo Spain u dhashay kaddib xasuuqii Rwanada ee sanadkii 1994tii.