Sagaal qof oo dil lagu xukumay Nigeria

Lahaanshaha sawirka Freedom radio
Image caption Inta badan dadka ku nool Kano waa muslimiin

Sagaal qof ayaa maxkamad ku taalla waqooyiga Nigeria waxa ay ku xukuntay dil, kaddib markii lagu helay inay diin caayeen.

Xukunka waxaa riday maxkamad islaami ah, oo ku taala gobolka Kano, taas oo si qarsoodi ah go’aanka u gaartay.

Faafaahinta hannaanka loo maray xukunkan ma ahayn in mid dadweynaha loosoo bandhigay, laakiin eedeysanayaasha waxaa loo maleynayaan in ugu yaraan hal qof oo dumar ah ay ka mid tahay.

Madaxa arrimaha diinta ee booliska Kano Aminu Ibrahim Daurawa ayaa BBC-da u sheegay in dadkan ay dembiga qirteen.

Kano waxaa u badan dadka Muslimiinta ah, maxaakiimta islaamiga ahna waxa ay ka barbar shaqeeyaan maxkamadaha kale ee dalka Nigeria.