IS oo weerartay magaalooyin muhiim ah

Kooxda Daacish ayaa qaaday weerar ay magaalooyin muhiim ah ee waqooyiga Syria ku qabsaneyso.

Telefishinka dowladda Syria ayaa sheegay in dagaalamayaasha Daacish ay qabsdeen labo deegaan oo ka tirsan xarunta gobolka Hassakeh.

Daacish waxay sheegeen inay ku qasbeen ciidamada dowladda inay dib ugu gurtaan bartamaha magaalada kaddib dagaal xooggan.

Waxaa sidoo kale ka jiray dagaalo magaalada xadka ku taal Kobane, halkaasi oo kooxo Kurdiyiin ah ay sheegeen inay dib isga caabiyeen weerar ka yimid Daacish.

Saraakiisha Turkiga ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Daacish ay weerar ka soo qaadeen dhanka kale ee xadka.